Xildhibaanka bariga Wajeer oo weli baaritaano lagu hayo

134

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee twitarka ku sheegtay in baaritaano lagu hayo mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka bariga Wajeer Rashiid Qaasim Aamin .
Xildhibaanka ayaa loo haystaa inuu shalay u gacan qaaday wakiilka haweenka ee ismaamulka Wajeer Fatuma Gedi.
Waxaa qoraalka DCI-da qeyb ka ah in mas’uulkan xabsiga loo taxaabay galinkii dambe ee shalay.
Shalay ayay ahayd markii baraha ay bulshada ku wada xariirto si weyn loogu hadal hayay dhibaatada lagula kacay Mrs. Gedi.
Sido kale waxaa uu dibadbax arrinkan looga soo horjeedo ka dhacay ismaamulka Wajeer iyadoo shacabku ay dalbanayaan in arrinkan laga sal gaaro.
Wargeyska Daily Nation ayaa dhankiisa ku warramaya in xildhibaanka oo arrinkan wax laga weydiiyay uu ka gaabsaday oo uuna sheegay inuu booliska u warramayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here