Xildhibaanka Ceeldaas oo ka mahadceliyay tageero ay u muujiyeen siyaasiyiinta xoolo dhaqatada

Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan Weheliye ayaa siyaasiyiinta ismaamullada xoolo dhaqatada uga mahadceliyay garab istaag ay u muujiyeen kaddib xil dhawaan loo magacaabay.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii isbeddel uu sameeyay xisbiga talada haya ee Jubilee, Keynaan laga dhigay xoghayaha xisbiga u qaabilsan isku xirka labada dhinac ee baarlamaanka iyo aqalka sare.
Xildhibaanka ayaa dhanka kale madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uga mahadceliyay inuu aqoonsaday mas’uuliyiinta waqooyiga wadanka oo uuna siiyay matalaad siyaasaded iyo xilal heer qaran ah.
Siyaasiyiinta baarlamaanka iyo aqalka sare ku matalo dadka xoolo dhaqatada ah ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Nairobi waxay kaga hadleen arrimaha ka taagan deeganadooda, barnaamijka dib u heshiisiinta iyo mideynta ee BBI , taageeridda qorshayaasha horumarineed ee dowladda iyo sida ay qeyb uga noqon karaan isbedellada dastuurka ee dhanka maamulka iyo xeerarka ee uu soo jeediyay guddiga BBI.
Senatarka ismaamulka Garissa ahna hogaamiyaha guddiga BBI , Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta uga mahadceliyay xilka uu Aadan Keynaan u magacaabay wuxuuna xusay inay si buuxda ula shaqeynayaan dowladda

 

Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa sido kale soo hadal qaaday xilka qaadistii hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Aadan Barre Ducaale wuxuuna sheegay inay jirto muddo jago kasto ay ku ektahay

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here