Xildhibaanka Ceeldaas oo ka tacsiyadeeyay geerida carruur deegaankiisa ku dhimatay

Mudanaha laga soo doortay deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan Weheliye ayaa tacsi u diray qoysaska ay ka baxeen afar carruur ah oo dhawaan geeriyooday kaddib markii ay lag ku dhaceen.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ayuu xildhibaanka magacyada carruurta waxaa uu ku kala sheegay Khalid Xaajji abdullahi ,Zakaria macalim Cabdinuur , Cabdimalik Maxamuud iyo Abdiraxmaan Maxamad Guyo.
Xildhibaanka oo dhacdadaasi nasiib darro ku tilmaamay ayaa dhanka kale xusya inuu si dhow ula shaqeynayo dowladda ismaamulka iyo midda dhexe si loo xakameeyo saameynta daadadka.
Waalidiinta ayuu ugu baaqay inay fiiro gaar ah u lahadaan carruurtooda xilliyadan ay roobabka xooggan da’ayaan.
Waxaa uu soo jeediyay in carruurta laga ilaaliyo meelaha ay biyaha badan ku jiraan ama marayaan.
Barasaabkii hore ee ismaamulka Wajeer Axmad Cabdullahi ayaa isna tacsi tani la mid ah diray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here