Xildhibaanka Ceeldaas oo ku baaqay in lala xisaabtamo guddoomiyaha Kitui

Mudanaha laga soo doortay deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan Weheliye ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee twitarka waxaa uu ku sheegay in dowladda ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay la xisaabtanto barasaabka dowlad deegaanka Kitui Mrs. Charity Ngilu.
Arrintan ayaa timid kaddib markii uu soo baxay muuqaal muujinaya iyadoo jeedinayso hadalo lagu tilmaamay kicin bulsho.
Waxaa uu xildhibaanka intaasi ku daray in sido kale la doonayo in la xaqiijiyo in dad shacab ah aynan dhibaato ka soo gaarin hadaladeeda.
Sido kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay in waajibaadka dowladda ay ka mid tahay inaan qof mas’uul ah loo oggolaan in dadweynaha uu isku diro.
Hadalada ay jeedisay Mrs. Ngilu ayuu Aadan Keynaan ku tilmaamay kuwo nasiib darro ah oo cawaaqib xumo ay ka dhalan karto.
‏Xildhibaanka ayaa intaasi ku daray in xoolo dhaqatada soomaalida ee ay sida gaarka ah u saameysay abaarta ay dowladda uga baahan yihiin taageero iyo badbaadin.
Mudanaha deegaanka Ceeldaas ayaa qoraalkiisa arrinkan ku aaddan ku soo gabagabeeyay in bulshada soomaaliyeed ee ku nool gudaha wadanka ay yihiin muwaadiniin xaq u leh inaan la dhibaateynin ,si madax bannaan u tagi karo ganacsi sharci ahna uga sameyn karo meel waliba oo wadanka ka tirsan.
Waxaa galinkii hore ee maanta barta twitarka qabsaday cinwaan loogu magacdaray #ArrestKituiGovernor oo ay micnaheedu tahay ha la xiro barasaabka Kitui.
Muuqaalka ayaa laga dheehan karaa iyadoo ku hadleysa luqad aan rasmi ahayn oo dad ku boorinaysa inay isdifaacaan taasina ay garab ku siin doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here