Xildhibaanka Dadaab oo ku baaqay in wax laga beddelo istaraatiijiyada amniga

Mudanaha laga soo doortay deegaanka Dadaab ee ismaamulka Garissa Maxamad Daahiye Ducaale ayaa dowladda dhexe gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha ugu baaqay inay dib u eegis ku sameyso istaraatiijiyadda loo adeegsado in amniga lagu sugo.
Kaddib markii shalay weerar ka dhacay deegaankiisa lagu dilay 11 sarkaal ayuu Daahiye xusay in waxyaabaha loo baahan yahay ay ka mid yihiin in si weyn loo howlgeliyo booliska keydka.
Sido kale waxaa uu ku taliyay in la xoojiyo hannaanka aruurinta xogaha sirdoonka ee dadweynaha ay qeybta ka yihiin.
Dr. Daahiye ayaa xusay in xarakada Al-shabaab ay weerarada qaar gaystaan xilliyada roobabka ay da’ayaan sidaasi awgeedna la doonayo in feejignaan dheeraad ah la muujiyo.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in xaaladda amni ee magaalada Liboi ay hadda deggan tahay .
Sido kale mudanaha Dadaab ayaa sheegtay in muddo 2 sano gudahood ah ay weeraro ku dhinteen 48 qof oo isugu jiro saraakisha ammaanka, shaqaalaha dowladda iyo shacab.
Ciidamada ammaanka ayuu u soo jeediyay in xilliyada roobabka maadaama waddooyinka aynan inta badan wanaagsaneyn aynan adeegsan baabuur si aan loo bartilmaameedsan.
Xildhibaanka ayaa taasi baddelkeeda ku taliyay in howlgalada roondooyin lagu fuliyo qaab socdaal ah.
Sido kale dowladda ayuu ka codsaday inay wanaajiso tayada wadada isku xirta Dadaab iyo Liboi.
Dr. Maxamad Daahiye ayaa sido kale sheegay in rasmi ahaan xuduudda ay xiran tahay balse taasi aynan sax ahayn wuxuuna dowladda kula taliyay in la furo qeybo ka mid ah xuduudda soomaaliya iyo Kenya si ciidamada waaxyaha kala duwan loo howlgeliyo oo si dhow loola socdo dhaqdhaqaaqa iyo cid waliba oo soo gudbaysa.
Meydadka saraakiisha lagu dilay weerarkii shalay ayaa maanta la filayaa in la keeno magaaladatani Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here