Xildhibaanka deegaanka Ceeldaas oo ku baaqay in dadweynaha ismaamulkaasi la siiyo shahaadada dhalashada

Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan Weheliye ayaa dowladda dhexe ugu baaqay inay dadweynaha u fududayso inay isku diiwaangeliyaan qaabka casriga ee NIIMS ama Huduma Number.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in caqabadda haysata shacabka dowlad deegaanka Wajeer ay tahay in dadka qaar aynan haysan warqadaha dhalasho sidaasi awgeedna ay ku adkaatay inay isdiiwaangeliyaan.
Aadan Keynaan ayaa codsaday in si buuxda loo bixiyo shahaadooyinka dhalasho si dad badan ay isku diiwaangeliyaan.
Waxaa uu sido kale ku baaqay in shaqa abuur loo sameeyo ardayda dhameeyay waxbarashada jaamacadeed.
Xildhibaanka ayaa intaasi raaciyay in keydka qaran ee tamarta ee National Grid iyo dhismaha wadada laamiga ah la doonayo in Wajeer la gaarsiiyo , isagoo arrimahaasi ka hadlaya ayuu yiri

Xildhibaanka deegaanka bariga Wajeer Rashiid Qaasim ayaa isna faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha uu ku saleysnaa socdaal shalay wafdi uu hoggaaminayay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu ku tagay magaalada Wajeer iyo mashaariicdii uu xariga ka jaray isagoo dhanka kale ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo safiirro gaaraya 18 oo dhawaan uu magacaabay qaar kalena beddelay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta maadaama sida uu hadalka u dhigay uunan liiskaasi ku jirin qof ka soo jeedo waqooyi bari

Wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Dr. Monica Juma ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in safiirrada cusub loo magacaabay wadamada kala ah imaraadka, Algeria,Masar, Jarmalka, Switzerland, Senegal, Jabuuti, Ireland, Zambia, Talyaaniga, Spain, Austria, Kuuriyada Koonfureed, Sweden iyo kuwo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here