Xildhibaanka deegaanka Kiharu oo maanta maxkamad la soo taagayo

Mudanaha laga soo doortay deegaanka Kiharu ee ismaamulka Murang’a ,Ndindi Nyoro oo xalay la qabtay ayaa la filayaa in maanta maxkamad la soo taago.
Shacabka deegaankaasi ayaa xalay dhigay dibadbax ay uga soo horjeedaan tallaabada xabsiga loogu taxaabay hoggaamiyahan iyagoo taayarro ku gubay waddooyinka.
Booliska ayaa dibadbaxayaasha u adeegsaday sunta dadka ka ilimeysiisa si ay u kala ceyriyaan.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da ayaa xildhibaanka gacanta ku soo dhigay .
Sarkaalka ismaamulka Murang’a u qaabilsan baaritaanada lagu sameeyo falal dambiyeedyada ,Julius Rutere ayaa sheegay in siyaasigan waxyaabaha lagu soo oogi doono ay ka mid tahay inuu diiday in laamaha ammaanka uu isku soo dhiibo iyo sido kale inuu qalaalaase abuuray axaddii xilli uu ku sugnaa kaniisad ismaamulkaasi ku taalla oo lacag lagu aruurinayay.
Rabshaddii la soo tabiyay laba maalmood ka hor ayaa timid kaddib markii mudanaha uu iskudayay in xildhibaanka baarlamaanka sida magacaabidda ah ku galay Mr. Maina Kamanda oo munaasabaddaasi marti sharaf ka ahaa uu u diido inuu arrimo siyaasadeed ka hadlo taasi oo la isku maan-dhaafay.

Mr. Ndindi Nyoro ayaa xalay ku baryay saldhigga booliska ee Murang’a ka hor inta aan maanta la maxkamadeynin.
Qaar ka mid ah shacabka uu baarlamaanka ku matalo oo xalay markii la qabtay kaddib muharadaad sameeyay ayaa dareenkooda sidatan u muujiyay
Cod

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here