Xildhibaanka deegaanka Koonfurta Gatundu oo maxkamad la soo taagayo

Mudanaha laga soo doortay deegaanka Koonfurta Gatundu ee ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha dalka Mr. Moses Kuria ayaa lagu wadaa in 11-ka barqanimo ee maanta uu maxkamadda ka soo hormuuqdo.
Maalinkii Jimcada ayay ahayd markii siyaasigan xabsiga loo taxaabay kaddib eedeyn loo jeediyay oo ahayd inuu haweeney xadgudub u gaystay.
Waxaa uu ku jiray saldhigga booliska ee Kilimani ee magaaladatani Nairobi.
Habeenimadii ay Axadda soo galaysay ayaa damiin lagu siidaayay wuxuuna maanta ka soo hormuuqanayaa garsoore Kennedy Cheruiyot.
Haweeneyda ayaa sheegtay in xildhibaanka uu 8-dii bishii Diseembar ee sannadkii hore feer la dhacay kaddib markii ay weydiisay hadal uu jeediyay kaasoo ay qoonsatay.
Tallaabada Moses Kuria lagu xiray ayaa timid kaddib markii si weyn baraha bulshada looga hadlay.
Kenyanka adeegsado barta twitarka ayaa siyaabo kala duwan dareenkooda uga dhiibnayay Jimcihii cinwaanka #ArrestMosesKuria oo ay micnaheedu tahay Moses Kuria hala xiro.
Sido kale baraha bulshada ayaa lagu faafiyay muuqaalka haweeney magaceedu ku sheegtay Joyce Wanja oo codsanaysa in mudanaha lagula xisaabtamo xadgudubka uu kula kacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here