Xildhibaanka deegaanka Lari ee Kiambu oo la xiray

Waxaa xabsiga loo taxaabay mudanaha baarlamaanka ku matalo shacabka deegaanka Lari ee ismaamulka Kiambu gobolka bartamaha dalka Jonah Mburu Mwangi.
Xariga xildhibaanka ayaa yimid kaddib baaritaano uu sameeyay guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC.
Waxaa siyaasigan loo haystaa wax isdabamarinta 27 milyan oo shilin oo laga saaray sanduuqa horumarinta deegaaanada ee (CDF)
Guddiga EACC ayaa mudanaha gacanta ku dhigay kaddib markii uu ansaxiyay agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji.
Waxaa dacwaddan musuqmaasuqa sido kale wajahaya 5 qof oo isugu jiro xubnaha guddiga CDF ee deegaanka Lari iyo qandaraaslayaal agab kala duwan laga iibsaday.
Nuurdiin Xaaji ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Mr. Jonah Mburu Mwangi iyo eedeysanayaasha kale ay si aan sharci ahayn kaga macasheen qandaraasyo la bixiyay.
Saraakiisha xildhibaanka lala xiray ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ayaan Mahadhi (Maamulaha Xisaabaadka Lacagaha, Lari ee CDF-ta), Peter Mugo Mwangi (Guddoomiyaha Lari ee CDF-ta), Grace Muthoni Macharia (Qandaraasle), iyo Francis Gachoka Kamuyu (Karaaniga Shaqada ee CDF-ta Lari).
EACC ayaa tuhmane kale oo qandaraasle ah kaas oo lagu magacaabo Paul Nyanjui Mucheru ku tilmaantay inuu iska xaadiriyo xarunta guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa si su’aalo loo weydiiyo.
Warbixin uu maanta soo saartay guddiga EACC, ayaa lagu sheegay in lunsashada la fuliyay iyadoo la adeegsanayo shirkado kala duwan oo ay shakhsiyaadkan leeyihiin sida; Claymug General Suppliers, Kienjeku Textiles iyo Uniforms Suppliers, Rumuli Company Limited, Oshoann General Merchant, Oshland Greens Ventures, Ndemeki Company Ltd, Kimondo & Sons General Suppliers iyo Pambazuko Distributor Limited.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here