Xildhibaanka deegaanka Lugari oo xabsiga laga siidaayay

Waxaa xabsiga booliska ee Mumias laga siidaayay mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Lugari ee ismaamulka Kakamega Mr. Ayub Savula oo shalay la xiray.
Ciidamada ammaanka ayaa markii ay siyaasigan qabanayeen ku eedeyay inuu jabiyay amarrada la xiriira ka hor tagga faafidda cudurka COVID-19 .
Shalay ayaa laga qabtay suuqa Sabatia ee Kakamega waxaana lagu eedeyay inuu qorsheynayay inuu ka qeyb galo isku imaatin dadweyne.
Xilligaas ayuu ku wajahnaa degmada Nambale ee ismaamulka Busia si uu kaga qeyb galo kulan ay qabanayeen mas’uuliyiin xulufo la ah hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi iyo dhigiisa Ford-Kenya Moses Wetangula.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here