Xildhibaanka deegaanka Matungu oo geeriyooday

Mudanaha deegaan baarlamaaneedka Matungu ee ismaamulka Kakamega Justus Murunga ayaa lagu soo warramayaa inuu geeriyooday
Xildhibaanka ayaa xalay loola cararay isbitaalka St Mary’s ee magaalada Mumias isagoona daqiiqado kaddib geeriyooday.
Labo todobaad ka hor ayaa la dhigay isbitaalka Aga Khan ee ismaamulka Kisumu isagoona laga daweenayay xanuunada dhiig karka iyo macaanka
Xildhibaanka ayaa laga soo saaray isbitaalka Aga Khan ee Kisumu maalintii Khamiista ee toddobaadki hore islamarkaana uu ku soo kabanayay gurigiisa oo ku yaala tuulada Emakunda ee deegaanka Matungu waxaa uuna ugu dambeyn dhintay xalay fiidkii kaddib markii ay ku adkaatay neefsashada.
Mr. Justus Murunga ayaa dhashay sannadki 1961 waxayna da’adiisu ahayd 59 sano.
Waxaa geeridiisa ka tacsiyadeeyay madax kala duwan oo uu ugu horeeya ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto, barasaabka ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya, senetarkii hore ee Kakamega Boni Khalwale, xildhibaanka Khwisero Christopher Aseka iyo senetarka Kakamega Cleophas Malala.
Waxay dhamaantood ku tilmaameen inuu ahaa nin howlkar ah oo si hagar la’aan ugu adeegayay shacabki u matalayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here