Xildhibaanka deegaanka Msambweni oo geeriyooday

Mudanaha deegaan baarlamaaneedka Msambweni ee ismaamulka Kwale ee gobolka xeebta Suleiman Dori ayaa lagu soo warramayaa inuu geeriyooday.
Waxaa uu ku dhintay isbitaalka Aga khan laantiisa Mombasa halkaas oo toddobaadkii hore la dhigay in kastoo ila iyo hadda aan la shaacin xanuunka laga daaweynayay ee uu u dhintay.
Wararka ayaa intaas ku daraya inuu geeriyooday abaare 5-tii aroornimo ee saaka xilli uu ku jiray qeybta daryeelka degdegga ee loo yaqaano ICU-da.
Mr.Suleiman Dori ayay da’diisu ahayd 43 sano jir waxaana dhimashadiisa xaqiijiyay qoyskiisa iyo xildhibaanka deegaanka Kinango, Benjamin Tayari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here