Xildhibaanka deegaanka Nyali ee Mombasa oo ku baaqay in si buuxda loo dhaqangeliyo dastuurka dalka

Kaddib markii dhawaan la soo bandhigay warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI ayaa waxaa isa soo taraya baaqyada ay jeedinayaan madaxda siyaasadeed.
Qaar ka mid ah ayaa doonaya in deegaannada hoose ee dalka laga sameeyo wacyigelin dadweynaha lagu fahansiinaya nuxurka warbixinta.
Sidoo kale waxaa jiro mas’uuliyiin dalbanaya in dib u eegis lagu sameeyo qaar ka mid ah qodobbada warbixinta ku xusan .
Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Nyali ee ismaamulka Mombasa Maxamad Cali ayaa soo jeediyay in si buuxda loo dhaqangeliyo dastuurka hadda wadanka laga isticmaalo ee la soo saaray sannadkii 2010-kii.
Xildhibaanka ayaa su’aal geliyay qorshaha lagu ballaarinayo golaha fulinta ee ah in dalka uu yeesho madaxweyne , ku xigeenkiisa , ra’iisul wasaare iyo labo ku xigeen.
Maxamad Cali ayaa xusay in tani ay tahay culeys dheeraad oo la saaraya wadanka maadaama dhaqaale badan uu ku baxaya .
Sidoo kale waxaa uu xusay in soo jeedinta ah in dhallinyarada ganacsatada ah muddo 7 sano aan laga qaadin canshuur ay ka faa’iidaysan karaan dad maalqabeena ah.
Xildhibaanka ayaa dhanka kale sheegay in sinnaanta jinsiyadeed aan lagu haleeli Karin in la soo doorto 47 haween oo senetarro ah.
Waxaa uu Maxamad Cali ku nuuxnuuxsaday in dowladda laga doonayo inay diiradda saarto dhaqangelinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here