Xildhibaanka Emurua Dikirr oo xabsiga ku sii jiraya

Mudanaha deegaanka Emurua Dikirr ee ismaamulka Narok Johanna Ng’eno oo shalay maxkamad la soo taagay ayaa xabsiga ku sii jiri doono ilaa iyo berri oo khamiis ah.
Maxkamadda Nakuru ayaa la filayaa inay berri go’aan ka soo saarto damiin uu codsaday in lagu siidaayo.
Mr. Ng’eno ayaa iska fogeeyay dacwad lagu soo oogay oo ahayd inuu jeediyay hadalo keeni karo kicin dadweyne iyo isku dirka bulshada ismaamulkaas.
Isagoo ku sugan saldhigga booliska ee Nakuru ayuu qaab muuqaal ah kaga soo hormuuqday garsooraha sare ee Nakuru Elizabeth Osui .
Maxkamadeynta siyaasigan ayaa timid kaddib markii agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr.Nuurdiin Xaaji uu meel mariyay in maxkamadda la soo taago .
Nuurdiin Xaaji ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xafiiskiisa uu helay qoraal ka yimid abaanduulaha ciidamada booliska Mr. Hillary Mutyambai.
Waxay boolisku xildhibaanka ku eedeyeen inuu maalmo ka hor goob fagaara ah ka hor jeediyay hadalo hanjabaad iyo aflagaaddo ah.
Waxyaabaha uu sabtidii la soo dhaafay sheegay Mr. Johana ayaa lagu tilmaamay kuwo isku diri karo bulshooyinka ku nool Narok.
Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka ayaa intaa ku daray inay jiraan caddeymo wax ku ool oo loo cuskan karo eedeysanaha ka dhanka ah siyaasiga iyadoo la deegsanaya xeerka guddiga NCIC ee 2008-dii.
Waxaa uu dhanka kale Nuurdiin Xaaji u digay hoggaamiyaasha siyaasadeed ee adeegsanaya haddalada wax u dhimi karo xasiloonida uu sheegay in tallaabo sharciyeed laga qaadaya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here