Xildhibaanka Fafi oo shacabka Waqooyi bari ugu baaqay inay isdiiwaangeliyaan

97

Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Fafi ee ismaamulka Garissa Cabdikarim Cismaan ayaa ugu baaqay dadka ku nool gobolka Waqooyi bari inay ka faaiidaystaan maalmaha ka haray diiwaangalinta casriga ah ee NIIMS ama loo yaqaano Huduma Number oo ayna isdiiwaangeliyaan isagona dhanka kale dowladda ugu baaqay in wakhtiga diiwaan galinta la kordhiyo. .

Dhanka kale wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’I ayaa sheegay in dowladdu aynan kordhin doonin mudada 45-ta maalmood ah ee loo qabtay dadweynaha inay isku diiwaangeliyaan.
2-dii bishii afaraad ee sannadkan ayaa guud ahaan dalka si rasmi ah looga billaabay diiwaangelinta casriga ee shacabka , ajnabiga iyo qaxootiga waxaana howshan la soo gabagabeynayaa 18-ka bishan oo ku began sabtida soo socoto.
Dr. Matiang’I ayaa intaasi ku daray in ilaa hadda ay isdiiwaangeliyeen 31 milyan oo qof, tiradan oo uu ku tilmaamay mid lagu farxo maadaama ay u dhiganta boqolkiiba 65 tirada guud ee shacabka dalka ku nool.
Wasiirka ayaa sido kale sheegay in haddii qofku uunan isdiiwaangelin wixii ka dambeeya sabtida , qalabka lagu wareejinayo guddoomiye xaafadeedyada si dadweynaha aan fursaddan ka faaiidaysan ay isku diiwaangeliyaan.
Dr. Matiang’I ayaa shaaciyay maadaama toddobaadkan uu yahay isbuucii ugu dambeeyay ee diiwaangelinta, xarumaha kala duwan ay furnaanayaan laga billaabo 6-da aroornimo ilaa 6-da maqribnimo.
Wasiirka oo ay wehelinayeen dhigiisa warfaafinta Joe Mucheru, wasiiradda caafimaadka ,Sicily Kariuki, wasiirka beeraha ,Mwangi Kiunjuri iyo wasiirka waxbarashada Prof. George Magoha ayaa caddeeyay in isku diiwaangelinta hannaanka dijitaalka ay tahay mid aanan khasab ahayn balse qofkii aan ka faaiidaysan ay ku adkaan doonto helidda adeegyada dowladda.
Qorshaha dowladda ayaa ah in la diiwaangeliyo 40 milyan oo qof halka safaarada Kenya ay ku leedahay wadamada kale ee caalamka la geeyay qalab dhan 154 si qurbajoogta Kenyaanka ah ay fursad ugu helaan inay isdiiwaangeliyaan ilaa iyo 20-ka bisha lixaad ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here