Xildhibaanka galbeedka WaJeer oo dhaliilay hadal ka soo yeeray Prof. Magoha

Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka galbeedka Wajeer Axmad Qaloosh ayaa si adag uga jawaabay hadal dhawaan uu jeediyay wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha.
Magoha ayaa maalmo ka hor ardayda iyo madaxda la soo doortay u diray digniin ku saabsan imtixaanada qaran ee shahaaddiga ah.
Waxaa uu ardayda u sheegay in tallaabo laga qaadayo haddii ay isku dayaan wax isadaba marin ama xatooyada imtixaanada.
Siyaasiyiinta ismaamulada Garissa , Wajeer iyo Mandera ayuu ku booriyay inaynan siyaasadeyn natiijada ka soo baxdo imtixaanada qaran oo sida uu hadalka u dhigay ay ardayda fursad buuxda siyaan oo aynan khalkhal gelin.
Hasa ahaate mudanaha galbeedka Wajeer ayaa hadalka wasiirka ku tilmaamay mid aan loo fiirsan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ardayda gobolka waqooyi bari ay caqabado dhanka waxbarashada ah wajahayaan sidaasi awgeedna aan loo baahneyn in la cabsi geliyo.
Prof. Magoha ayuu u soo jeediyay inuu tago ismaamulada gobolka oo uu soo ogaado dhibaatooyinka jira.
Dhanka kale golaha imtixaanada qaran ee KNEC ayaa sheegay in la sameynayo wax walbo oo suurtagal ah si aan imtixaanada wax isdaba marin loogu sameynin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here