Xildhibaanka Kapsaret oo isku dhiibay booliska

Mudanaha laga soo doortay deegaanka Kapseret ee ismaamulka Uasin Gishu Oscar Sudi ayaa saaka tahay saldhigga booliska ee Eldoret.
Waxaa wehelinayay siyaasiyiin ay ka mid yihiin Sudi wakiilka haweenka ee Uasin Gishu sido kalena qareenadiisa ka mid ah Gladys Boss Shollei ,Barasaabka Nandi Stephen Sangm , xildhibaanada kala ah Caleb Kositany,Didimus Baraza iyo Cornelly Serem .
Mudanaha ayaa sheegay inuu tagay saldhigga booliska ee Langas maadaama sida uu xusay uu sharciga u hoggaansamayo.
Booliska oo habeenkii sabtida ay soo galaysay iskudayay inay soo xiraan siyaasigan ayayna u suurtagalin kaddib markii ay dhalinyaro ka hor istaageen.
Mudanaha ayaa tallaabo aan loo baahneyn ku sheegay in ciidamo badan la geeyo gurigiisa.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xilligii ay saraakiisha ammaanka gurigiisa tagayeen uusan halkaas ku sugnayn.
Oscar Sudi oo loo haysto inuu jeediyay hadalo aflagaado ah sido kalena kicin keeni karo ayaa u mahadceliyay cid kasta oo garab istaag u muujisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here