Xildhibaanka Kapsaret oo mar kale maxkamdda hortaggi doona

Mudanaha laga soo doortay deegaanka Kapseret ee ismaamulka Uasin Gishu Oscar Sudi ayaa lagu wadaa inuu maanta uu ka soo hormuuqdo maxkamadda si loo eego dacwada loo haysto oo ku saabsan hadalo aflagaado ah sido kalena kicin dadweyne keeni karo.
Toddobaadki hore ayey ahayd markii xildhibaanka lagu siidaayay damaanad dhan 500,000 oo shilinka dalka ah kaddib markii u maxkamadda sare u gudbiyay codsi ah in xarigiisa dib u eegis lagu sameyeo.
Waxaa uuna xilligaasi xabsiga ku jiray muddo 7 maalmood ah.
Sida laga soo xigtay qareenkiisa oo lagu magacaabo Isaac Terer islamarkaana ah la taliyaha xildhibaanka ayaa sheegay in mudanaha shuruudo kasta oo ay maxkamaddu ka soo saari doonto siideyntiisa oo ay ka mid tahay inuu iska ilaaliyo hadalada kala qaybsananta dhalin kara.
Mudanaha ayaa wajahaya eedeymo ku saabsan hadalo naceyb ah, diidmada xariga, haysashada hub sharci darro ah iyo ku xadgudub sarkaal boolis ah.
Xildhibaanka laga soo doorto Kapseret ayaa la xiray kaddib markii uu wax ka sheegay shaqsiyadda madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hooyadiis Mama Ngina Kenyatta ahaydna marwadii koowaad ee dalka.
Xarigiisa kahor, xildhibaanka ayaa ku adkeystay inuusan cidna aflagaadeynin raaligalinna uusan bixin doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here