Xildhibaanka Kapsaret oo maxkamad la soo taagay

Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Kapsaret ee ismaamulka Uasin Oscar Sudi ayaa maanta la soo taagay maxkamadda Nakuru.
Waxaa lagu eedeyay inuu jeediyay hadallo keeni karo kicin dadweyne iyo aflagaaddo ka dhan ah qoyaska madaxweynaha dalka.
Shalay subax ayuu xildhibaanka isku dhiibay booliska Eldoret waxaana loo sii qaaday Nakuru.
Xilli uu maanta maxkamadda ka soo hor muuqday ayaa loo soo jeediyay eedeyn ah inuu habeenkii ay sabtida soo galaysay ciidamada ammaanka ka hor istaagay inay xiraan isagoo adeegsanaya dhalinyaro taageersan .
Hasa ahaate waxaa uu sheegay inuusan caqabad ku noqon in saraakiisha ammaanka ay waajibaadkooda gutaan isagoo intaa ku daray inuusan xilligaa ku sugnayn goobta laga raadinayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here