Xildhibaanka Kiharu oo weli ku adkeysanaya in Kenya ay u baahan tahay keligii taliye

Mudanaha laga soo doortay deegaanka Kiharu ee ismaamulka Murang’a Mr. Ndindi Nyoro oo la soo siidaayay kaddib markii dhawaan xabsiga loo taxaabay ayaa weli ku adkeysanaya hadal uu sanado ka hor sheegay.
Xilli xalay uu marti ku ahaa warbaahinta Citizen ayuu hoosta ka xarriiqay inuunan weli wax iska beddelin fikirkiisi ahaa in hoggaan ahaan Kenya ay u baahan tahay qof gacan bir ah ku shaqeeya.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay inay lagama maarmaan tahay in dhanka kale laamaha ammaanka aan loo adeegsan arrimo siyaasadeed.
Sido kale waxaa uu eedeyn u jeediyay xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Karanja Kibicho .
Mr. Nyoro ayaa ku nuuxnuuxsaday in dhibaatooyin uu maalmihii la soo dhaafay la kulmay ay yihiin kuwo sida uu hadalka u dhigay lagu bartilmaameedsanayo isaga maadaama taageero iyo garab istaag siyaasadeed uu u muujiyay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here