Xildhibaanka Kikuyu oo iska fogeeyay cunto ay dad waxyeello ka soo gaartay

Mudanaha laga soo doortay deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu, Kimani Ichung’wa

Mudanaha laga soo doortay deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu, Kimani Ichung’wa ayaa qoraalo uu soo dhigay baraha uu ku leeyahay twitarka iyo Facebook-ga waxaa uu ku beeniyay inuu qeybiyay cunto la sheegay inay wax u dhintay dad isticmaalay.
Xildhibaanka ayaa sheegay in arrinkaas ay sameyeen dad uu ku tilmaamay kuwo siyaasad ahaan ay iska soo horjeedaan.
Waxaa uu sheegay in qoys ku nool tuulada Gikambura oo ka mid ah dadka la sheegay inay ku sumoobeen cuntada la daaweeyay.
Mr. Kimani ayaa shacabka ku wargeliyay inay aad uga taxadaraan cidda wax u qeybinaysa oo uu xusay inay suurtagal tahay inay leedahay dano kale oo siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here