Xildhibaanka Koonfurta deegaanka Dagorretti oo su’aalo laga weydiiyay qoraal uu soo saaray

Wargeyska the Standard ee ka soo baxo gudaha dalka ayaa ku warramaya in shalay su’aalo la weydiiyay mudanaha deegaanka Koonfurta Dagoretti ,John Kiarie kaddib qoraal ku saabsan coronavirus oo uu dhigay bartiisa rasmiga ee twitarka.
Ugu yaraan maalin ayaa ka soo wareegatay xilligii xildhibaanka uu soo qoray in 7,000 oo Kenyaan ah Coronavirus awgeed la karantiilaya.
Kiarie ayaa looga yeeray saldhigga booliska ee Kabete halkaas oo uu su’aalo dhowr ah kaga jawaabay.
Madaxa waaxda dambi barista ee saldhigaas Francis Wanjau ayaa sheegay inay shaacin doonaan tallaabada xigta.
Qoraalka xildhibaanka ayaa waxaa shalay beeniyay wasiirka caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here