Xildhibaanka Koonfurta Gatundu oo ku baaqay in golaha wasiirada lakala diro

Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka koonfurta Gatundu ee ismaamulka Kiambi , Moses Kuria ayaa Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta u soo jeediyay in uu kala diro golihiisa wasiirada.
Xilli uu wareysi bixiyay ayuu Moses Kuria sheegay in shirqoolka la soo tabiyay ee ku aaddan la la dilo ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ay sababi karta in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta in u awood u lahaan waayo in uu maamulo dowlad aan mideysneyn.
Xildhibaanka ayaa sheegay in golaha wasiirada ay yihiin udub dhexaadka dowladda islamarkaana ay keeneyso guul darro in laga dhabeeyo balanqaadkii dowladda iyada oo la ishaysto sida uu hadalka u dhigay.
Afar wasiirro oo kala ah Peter Munya wasiirka warshadaha, Joe Mucheru wasiirka isgaarsiinta, Sicily Kariuki wasiiradda caafimaadka iyo James Macharia wasiirka gaadiidka iyo kaabayaasha ayaa shirkqoolkan lala xariiriyay.
Mas’uuliyiintan ayaa looga yeeray xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista hasa yeeshee waxay sheegeen in kulamadooda ay ahaayeen kuwo ay kaga arrinsanayeen horumarka deegaanadooda.
Dhanka kale xildhibaanka ayaa ka hadlay dhacdaadi maalinamadi sabtidii ka dhacday ismaamulka Nyeri taas oo wasiirka Beeraha Mwangi Kiunjuri ay dadka deegaanka Riamukurwe ay ku buuqeen xili uu doonayay in uu xariga ka jaro mashruuc dhanka biyaha ah.

Siyaasiyiinta dalka ayaa  siyaabo kala duwan uga hadlay  warar  maalmo ka hor soo baxay oo ah inuu jiro qorsho ku aaddan in laga takhaluso  Dr.  Ruto.

Qaar ka mid ah ayaa dalbaday in baaritaano lagu sameeyo  shakhsiyaadka la  farfiiqay  in kastoo ay iska  fogeyeen halka  hoggaamiyaasha qaar ay  sheegayaan in hadal hayntan  ay  tahay mid Kenyaanka looga mashquulinayo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here