Xildhibaanka Mathira oo la xiray maanta

Ciidamada dambi baarista ee dalka ayaa maanta xiray xildhibaanka laga soo doortay Mathira ee ismaamulka Nyeri Rigathi Gachagua ka dib markii lagu eedeeyay inuu lunsaday hantida shacabka.
Xarigiisa ayaa yimid ka dib markii ay ciidamada dhamaystreen baaritaanadiisa ku saabsan sida uu wakiilkiisa ugu adeegsaday qandaraasyo been abuur ah kuwaas oo la siiyay 22 shirkadood .
Gachagua ayaa loo kaxeeyay xarunta dhexe ee DCI oo ku taal wadada Kiambu ee magaaladatan Nairobi iyadoo loo haysto musuq maasuq balaayiin shilin oo ah hantida dadweynaha.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxaa baaritaan ku haya wakaalada dib u soo celinta hantida (ARA) oo dooneysa inay ogaato halka laga keenay 12.5 billion Sh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here