Xildhibaanka Nyakach oo la filayo in maanta maxkmada la soo taago

Xildhibaanka laga soo doorto Nyakach Aduma Owuor ayaa manata oo jimco ah lagu wada inuu ka soo hormuuqdo maxkmada kadib markii shalay ay gacanta ku dhigeen gudiga la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC.
Xildhibaankan ayaa lagu eedeeyay inuu bixiyay lacag aan sharci ahayn taasi oo dhan 68 milyan oo shillinka dalka ah.
Baarayaal ka socday gudiga musuqa ayaa xildhibaanka ka xiray isaga oo ku sugna hoteelka Kondele ee ismaamul goboleedka Kisumu.
Mr Owuor ayaa su’aalo lagu weydiyay xaafiska uu gudigaa EACC ku leeyahay Kisumu inta aan loo soo qaadin Nairobi si maanta loo soo taago maxkmada .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here