Xildhibaanka Nyali Maxamed Cali oo mooshin xil ka qaadis ah ka gudbiyay wasiirka gaadiidka

Xildhibaanka deegaanka Nyali Maxamad Cali ayaa baarlamaanka hor geeyay mooshin uu ku doonayo in xilka laga xayuubiyo wasiirka gaadiidka iyo Kaabayaasha ee dalka James Macharia wuxuuna ku eedeeyay anshax xumo iyo ku xadgudubka dastuurka.
Mooshinka oo ay saxeexeen 90 xildhibaan ayaa lagu eedeeyay Mr Macharia inuu wax ka qaban waayay mashaariic ku kacaya 100 bilyan oo hadda joogsaday isla markaana uu qeyb ka ahaa fadeexadii lacagihii lagu lunsaday Afya House oo dhan 5.2 bilyan sanadkii 2016 markii uu ahaa wasiirkii caafimaadka.
Wasiirka Gaadiidka ayaa sido kale lagu eedeeyay inuu ku guuldareystay inuu sharaxo halka ay ka baxday 1.5 bilyan taas oo loogu talagalay in lagu dhiso mashruucyo guriyeyn ah magaaladatan Nairobi.
Xildhibaanka Nyali, ayaa intaa ku daray in mr. Macharia uu ku gacan seeray saahmilayda gaadiidka kaas oo ahaa in alaabada ka soo dagaya dekedda Mombasa lagu safriyo tareenka casriga ah.
Karraaniga baarlamaanka Micheal Sialai ayaa xaqiijiyay inuu helay mooshinka xildhibaanka Nyali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here