Xildhibaanka Sirisia John Waluke oo lagu helay dambi ah inuu dhacay galley ku kacaysa 296 milyan

Xildhibaanka Sirisia John Waluke ayaa lagu helay dambi ah inuu isdaba marin ku sameeyay 297million oo la xiriira kiis galley lagu lunsaday.
Garsoore Elizabeth Juma ayaa xukuntay in xildhibaanku uu wax isdaba mariyay.
Waxay amartay in lagu sii hayo Saldhigga Booliska ee Kileleshwa illaa Khamiista si loo xukumo.
Xafiiska Agaasimaha Dacwad Soo oogaha Guud ayaa sheegay in kiiska uu qaatay wax kayar 2 sano si loo soo gabagabeeyo.
Xildhibaanka ayaa dacwada lagula soo oogay shirkadaha kala ah Grace Wakhungu iyo Erad Supp Ltd.
Waxaa lagu eedeeyay qandaraas ay shirkaddu ku guuleysatay inay bixiso 40,000 oo tan oo galley ah sanadkii 2004.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here