Xildhibaanka Starehe Jaguar oo la xiray

Xildhibaanka deegaanka Starehe ee magaaladatan Nairobi Charles ‘Jaguar’ Kanyi ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii lagu eedeeyay in uu dhalinyaro kiciyay si ay u qabsadaan suuqa Mwariro ee magaalada Nairobi.
Waxaa la sheegay inuu kiciyay dhalinyarada Sabtidii si ay ula wareegaan Suuqa muranka dhaliyay ee Mwariro.
Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in loo qaaday Saldhigga Booliska ee Deegaanka Nairobi.
27-kii bishan Juun, Jaguar ayaa soo dhigay boggag twitarka qoraal uu ku sheegaya in saraakiil ka tirsan Adeegga Dhallinyarada Qaranka ee (NYS) ay duminayeen dhismayaasha ka dib markii ganacsatadu ay dib u dhis ku sameeyeen.
Wuxuu su’aal geliyay cidda ka dambayn kara dhacdadan dabka isaga oo farta ku fiiqay dawladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here