Xildhibaanka Starehe oo damiin lacageed lagu siidaayay

Maxkamad uu fadhigeedu yahay magaaladatani Nairobi ayaa maanta damiin lacageed oo dhan 500 ,000 oo shilin ku siidaysay mudanaha laga soo doortay deegaanka Starehe ee caasimadda dalka ,Charles Njagua Kanyi.
Waxaa loo haystay inuu jeediyay hadal lagu tilmaamay mid ku saleysan naceyb shisheeye iyo kicin dadweyne.
Saraakiisha dacwad soo oogidda ayaa maxkamadda u sheegay in Mr. Njagua uu dembigaasi galay 24-kii bishii hore ee June.
Waxaa gacanta lagu dhigay 26-kii isla bishaasi isagoo maalmihii la soo dhaafay xabsi ku jiray.
Guddiga qaran ee mideynta iyo isdhexgalka shacabka ee NCIC iyo maamulka isgaarsiinta ee CA ayaa la filayaa inay mudanaha ku marqaati furan si ay ugu caddeeyaan inuu jeediyay hadal horseedi karo in la dhibaateeyo ajnabiga ka ganacsada suuqyada dalka.
Hasa ahaate xildhibaankan oo ku magacdheer Jaguar ayaa maanta ka soo hormuuqday garsoore Francis Andayi oo ka howlgalo maxkamadda Milimani waxaa uuna iska fogeeyay dacwadda lagu soo oogay taasi oo keentay in ugu dambeyn damiin lacageed lagu daayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here