Xildhibaanka waqooyiga Samburu oo su’aalo laga weydiiyay kicin lagu eedeyay

Saraakiisha waaxda dambi baarista ee ismaamulka Samburu ayaa su’aalo weydiiyay mudanaha laga soo doortay waqooyiga dowlad deegaankaasi Alois Lentoimaga kaddib markii lagu eedeyay in hadalo uu jeediyay loo arkay inay keeneen kicin dadweyne.
Mr. Lentoimaga ayaa in ka badan 6 saacadood ku sugnaa xarunta DCI-da ee magaalada Maralal .
Sarkaalka Samburu u qaabilsan baaritaanada dembiyada lagu sameeyo ,Kiberenge Seroney ayaa sheegay inay sido kale u yeeri doonaan shakhsiyaad kale oo uunan magacyadoodu shaacin.
Mr. Seroney ayaa hoosta ka xarriiqay inay si qoto dheer u eegayaan waxyaabo ay salka ku hayaan weeraro halkaasi ka dhacay.
Waxaa uu intaasi ku daray in booliska ay weli qiimeynayaan farriinta uu xildhibaanka gudbiyay.
Hasa ahaate mudanaha waqooyiga Samburu Mr Lentoimaga oo warbaahinta la hadlay ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay.
Sannadkan gudihiisa tiro dad ah oo ay boolis ku jiraan ayaa ku dhintay weeraro kala duwan oo laga gaystay waqooyiga Samburu iyadoo sido kale xoolo dhowr ah la dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here