Xildhibaankii hore ee deegaanka Likoni oo geeriyooday

Mudanihii hore ee baarlamaanka ku matali jiray shacabka deegaanka Likoni ee Mombasa Mascuud Mwahima ayaa geeriyooday.
Qoyskiisa ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inuu xalay ku dhintay gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Vyemani ee Likoni.
Waxaa uu geeriyooday abaare 11-kii habeenimo kaddib markii uu muddo aan badneyn xanuunsanaa.
Siyaasigan hore oo ay da’diisu ahayd 78 sano ayay xubnaha qoyskiisa sheegeen inuu qabay xanuunka neefta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here