Xildhibaankii hore ee deegaanka Makadara iyo eedeysanayaal kale oo maxkamadda la soo taagayo

Waxaa la filayaa in maanta maxkamadda ay ka soo hormuuqdaan 7 eedeysanayaal oo uu ka mid yahay mudanihii hore ee deegaanka Makadara ee magaaladatani Nairobi Reuben Ndolo.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitarka ku sheegtay in dadkani ay xabsiga ku jiraan.
Waxaa xildhibaanka lala xiray 6 qof oo kale kaddib markii lagu eedeyay inay waardiye ugu hanjabeen inay dilayaan.
Booliska ayaa intaasi ku daray in eedeysanayaasha ay sido kale shaqaaqooyin abuureen in kastoo saraakiishu aynan faahfaahin dheeraad ah bixin.
Bayaanka DCI waxaa qeyb ka ah in 7-da qof laga soo qabtay beerta Bustani Gardens ee ku taalla wadada Ole Odume .
Eedeysanayaasha kale ayaa kala ah Mr. Daniel Otieno Juma,Mr. George Otieno ,Mr. Cyrus Nyamboga Gichana,Mr. Bernard Ochieng Andai ,Mr. Dick Otieno Ombaka iyo Mr. Xassan Dima Wario .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here