Xildhibaankii hore ee Garsen Danson Mungatana oo damiin lagu siidaayay

Maxkamadda ayaa xildhibaankii hore ee deegaanka Garseen ee ismaamulka Tana River Danson Mungatana iyo Paul Collins Waweru oo labaduba lagu eedeyay fadeexad la xiriirta qandaraas ku siidaysay damiin lacageed oo ah min 200,000 oo shilin.
Labadan eedeysane ayaa shalay garsoore Cabdulqaadir Lorot oo ka howlgalo maxkamadda Kibera ee Nairobi ka codsaday inuu dib u dhigo racfaan ay doonayeen inay qaataan si ay u la heshiiyaan dhibanaha dacwadda ka gudbiyay.
Labadan qof oo loo haysto inay lacag ku heleen qaab aan habbooneyn oo khiyaano ah ayaa la xiray 11-kii bishan sideedaad.
Wararka ayaa intaa ku daraya inay haweeney ganacsato ah lacag kaga qaateen inay ka caawiyaan helidda qandaraas militari oo waxba kama jiraan lagu sheegay oo ku kacaya 70 milyan oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here