Xildhibaankii hore ee Garsen Danson Mungatana oo la xiray

Waxaa xalay xabsiga ku hooyday mudanihii hore ee baarlamaanka ku matali jiray deegaanka Garseen ee ismaamulka Tana River gobolka xeebta ee dalka Danson Mungatana.
Ninkan ayaa loo haystaa inuu lacag ku helay qaab aan habbooneyn oo khiyaano ah.
Wararka ayaa intaa ku daraya inuu haweeney ganacsato ah lacag kaga qaatay inuu ka caawinayo qandaraas militari oo waxba kama jiraan lagu sheegay oo ku kacaya 70 milyan oo shilin.
Mungatana ayaa lala xiray nin kale oo magaciisu lagu sheegay Collins Paul Waweru.
Eedeysanayaasha ayaa ku jiro saldhigga booliska ee Kilimani ee magaaladatani Nairobi waxaana la filayaa in maanta maxkamadda la soo taago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here