Xildhibaannada Golaha Shacabka oo u socda kulan xasaasi ah

Waxaa furmay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,kaas oo Maalintii lixaad oo xiriir ah uga socda Xarunta Villa Hargeysa.
Kulanka oo ah kii 9aad kalfadhiga 7-aad ayaa waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Kulanka oo ay goobjoog ka yihiin 174 xildhibaan ayaa waxaa looga doodayaa xeerka matalaada gobolka banaadir iyo ka Xeerka Asteeynta Kuraasta.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa aad uga doodaya matalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare,waxaana ay badi dalbadeen in Gobolka Banaadir la siiyo 13 Sanatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here