Xildhibaano ka soo horjeestay go’aan ka soo baxay guddiga HELB

Qaar ka mid ah xildhibaanada dhalinyarada ah ee dalka oo uu hor kacayo mudanaha bariga Embakasi Paul Ongili oo ku magacdheer Babur Owino ayaa gaashaanka u daruuray arrin uu dhawaan sheegay guddiga HELB.
Guddigan ayaa qaabilsan inuu lacago amaah ah siiyo ardayda dhigta jaamacadaha dalka si ay isaga bixiyaan qarashaadka laga doonayo.
Shalay ayay ahayd markii bayaan uu soo saaray guddiga HELB uu ku sheegay inuu muddo 30 maalmood ah u qabanayo ardayda aan dib u bixin lacagihii amaahda ahaa ee la siiyay.
Guddiga ayaa intaasi ku daray in marka ay mudadan dhammaato kaddib uu wargeysyada ugu caansan ee dalka ku soo daabici doono magacyada iyo sawirada ardayda aan deymihii ay qaateen aan bixin.
Hasa ahaate go’aankaasi ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay Kenyaanka.
Qaar ka mid ah dadweynaha isticmaala barta Twitarka ayaa soo saaray sawiradooda iyagoo guddiga HELB kula talinaya inay isticmaalaan marka ay macluumaadkooda soo daabacayaan.
Mudanaha deegaanka bariga Embakasi ayaa sido kale arrinkan ka soo horjeestay.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay inaynan suurtagal ahayn in ardayda jaamacadaha dhameeyay oo in badan oo ka mid ah ay shaqa la’aan yihiin laga dalbado inay amaah horay loo siiyay ay bixiyaan.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayuu ugu baaqay inuu gacan ka gaysto sidii deymahaasi looga cafin lahaa shakhsiyaadka lagu yeeshay.
Guddiga HELB ayaa xusay inuu shaacin doono macluumaadka 85,000 qof oo ay ku maqan tahay lacag dhan 50 bilyan oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here