Xildhibaano ka tirsan Jubilee oo ay suurtagal tahay in xilalka laga qaado

Waxaa la hadal hayaa in maalmaha nagu soo aadan xisbiga talada haya ee Jubilee uu xilalka ay hayaan ka xayuubin doono siyaasiyiin ay ka mid yihiin Kimani Ichung’wah iyo Moses Kuria.
Mr. Kimani ayaa ah guddoomiyaha guddiga baarlamaanka ee miisaaniyadda iyo qondeynta dhaqaalaha.
Xidlhibaanka deegaanka Navakholo Emmanuel Wangwe oo dhawaan loo magacaabay mas’uulka siyaasiyiinta Jubilee u qaabilsan dhanka kala dambeynta ee baarlamaanka ayaa qoraal arrinkan ku aaddan soo saaray.
Waxay wararku intaa ku darayaan inuu warqado u qoray ilaa 17 mudanayaal ah oo uu ka dalbanaya inay faahfaahiyaan sababta an looga qaadi Karin xilalka ay ka hayaan guddiyada kala duwan ee baarlamaanka.
Moses Kuria, xildhibaanka deegaanka Koonfurta Gatundu ee ismaamulka Kiambu ayaa isna la sheegaya inay suurtagal tahay inuu waayo xilka guddoomiye ku xigeenka guddiga gaadiidka ee golaha sharci dejinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here