Xildhibaano katirsan labada aqal ee Soomaaliya oo Dhuusamareeb gaaray

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug waxaa Maanta gaaray wafdi ka socda dowladda Fedraalka Soomaaliya gaar ahaan Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo degaan doorashadoodu tahay Galmudug.
Xildhibaannada ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Maamulka Galmudug, Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug, Maamulka Magaalada Dhuusamareeb & qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaaladaasi ku nool.
Xildhibaannada labada Aqal ee Maanta tegay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kamid ah Sanoter Cabdi Qeybdiid, Xildhibaan Xuseen Iidow, Sanoter Yuusuf Geelle Ugaas ( Dhageey) iyo xubno kale.
Ujeedka Xildhibaannada ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ay u tageen Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay inay halkaasi ka bilaabayaan olole ay ku doonayaan dib usoo laabasho afarta sano ee soo socota ah si ay Kuraastooda u xajistaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here