Xildhibaano la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya.

Warar ka imaanaya Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya Xildhibaana ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo tiradooda lagu sheegay inay ka badan tahay 100 Xildhibaan ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan gara ah kula qaateen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo arimaha ugu weyn ayaana ahaa doorashooyin la filayo inay dhawaan ka dhacaan dalka Soomaaliya.
Xildhibaannadaan ayaa Madaxweyne Farmaajo waxay kala hadleen arrimo la xiriira doorashooynka dalka maadaama waqti yar ay u hartay Dowladda uu hoggaamiyo, iyagoo sida la sheegay dalb hor-dhigay Madaxeynaha.
Kulanka oo ahaa mid albaabada u xirnaayeen warbaahintuna dibada ka joogta ayaa Wararka la helay waxay sheegayaan in Xildhibaannada ay Madaxweynaha waydiisteen inuu cadeeyo Mowqifkiisa ku aadan Doorashada Dalka, iyagoo u sheegay inay doonayaan in aan la ogolaan Doorasho dadban, isla markaana la fuliyo Sharciga Doorashooyinka qaranka,Doorashaduna ay noqoto mid Qof iyo Cod ah oo shacabka Soomaaliyeed ay soo doortaan cida ay doonayaan inay hogaamiyiso.
In kasoo dadka arimaha doorashooyinka Soomaaliya la socda ay xilligaan sheegayaan inay adkaan karto qabashada doorasho Qof iyo Cod ah ayaa hadana waxaa dhowr jeer Madaxda sare ee Dowladda Fedraalka Soomaaliya ku celceliyeen inay dalka ka dhacayso doorasho qof iyo Cod ah,waxaana Saamileyda Siyaasadeed ee Soomaaliya ay sheegeen inaan la qaban karin doorasho qof & Cod ah Madaxooyada Soomaaliyana ay dooneyso muddo kororsi wallow aan wali Madaxda qaranka laga maqal wax mudo kororsi ah oo ay damacsan yihiin.
Wararka ayaa waxaay intaasi ku darayaan in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu Xildhibaannada u sheegay inuu tegi doono Magaalada dhuusamareeb,isla markaana wixii uu la soo kulmo taladooda uu iyaga kusoo celin doono.
Tallaabadaan ay qaadeen Xildhibaannada ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay kusoo aadeeysaa saacado,kadib markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sh C/raxmaan uu sheegay in aysan aqbaleyn doorasho dadbadan,kadib markii Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ee ku shiray Magaalada Dhuusamareeb ay sheegeen inaan la qaban karin doorasho qof iyo Cod ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here