Xildhibaano sheegay inay Diyaarad ismiidaamin siyaasadeed ah ay Shalay tagtay magaalada Kismaanyo.

Xildhibaan Daahir Amiin jeesow oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa hadlay safarkii ay Magalada Kismaayo shalay ku tageen Hogaamiyeyaashii hore ee Maamulada Galmudug & Koonfur Galbeed.
Waxaa uu sheegay in Magalada Kismaayo ay si sharci-darro ah ku tagtay diyaarada iyo wafdi saarnaa, shirkaddii lahayd diyaaradaas ay jebisay Sharciga u yaalla dalka Soomaaliya.
Xildhibaanka Jeesow oo Wariyeyaasha kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in diyaaradaas ay aheyd mid Qatar gelin kartay amniga dalka Soomaaliya,isla markaana aysan ka warheyn Maamulka hawada Soomaaliya.
Marka Baarlamaanka Soomaaliya kulamadiisa furmaan ayuu sheegay inay dacwada diyaaradaas iyo dalka laga layahay ka dhan ah ay geyn doonaan,waxaana dowladda Soomaaliya uu ka dalbaday inay jawaab ka bixiso.
Ugu dambeyntii XIldhibaan Jeesow waxaa uu sheegay in Shacabka ku nool deegaannada Jubbaland lagu haayo dhibaatooyin kala duwan,hayeeshee baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan Xildhibaannada kasoo jeeda deegaanadaas Talaabooyin qaadayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here