Xildhibanka Starehe oo xabsiga kuu sii jirayo

Starehe MP Charles Njagua oo loo yaqaano Jaguar ayaa habeenkii labaad Xabsiga ku qaadanaya iyada oo laga war sugayo go’aanka damaanadiisa.
Garsoore Sinkiyan Tobiko ayaa sheegtay inay go’ankeeda shaacin doonto Jimacaha .
Kooxda dacwad soo oogida ayaa maxakamda ka codsaday in Jaguar 14-maalmood lagu haayo saldhiga booliska Kamukunji si baaritaanka loo dhameystiro.
Jaguar ayaa lagu qabtay afaafka hore ee aqlka barlamanka shala ka dib markii uu ka hadlay Tanzania, Uganda iyo China asaga oo ku eedeeyey inay shaqada kala wareegayaan shacabka Kenyanka.
Warqadaha maxkamada ayaa ku qeexan in Jaguar lagu eedeynayo inuu qorsheynaye kooxo burcad ah si ay u weeraraanhantida ajaanibta ee dalka ku ganacsadan.
Waaxda dacwad soo oogida ayaa sheegen inay u warqad u qoreen maamulka isgaarsiinta dalka CA ,Waxayna sido kale u qorayaan warqad warbaahinada si ay u helaan muuqalka hadalkii uu nacaybka uu jeediyay Jaguar.
Saraakiisha baarayaan ayaa waxay shegeen inay gacanta ku dhigeen telefanka Xildhibanka balse wali aysan baaritaan ku samyen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here