Xildhibnaano sheegay inay jiraan ciidamo aan Mushaar qaadan.

Xubno ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka Fedraalka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay jiraan Ciidamo dowlada u diiwaan gashan oo an Mushaaraad Qaadan iyo sidoo kale Ciidamo mar hore dhintay balse Mushaaraad lagu Qaato sida ay hadalkooda u dhigeen.
Xildhibaan aadan madobe iyo Xildhibaanada Saciido Xassan oo labaduba ka tirsan xildhibaanada golaha shacbiga ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay sheegeen inay soo ogaadeen ciidamo la diiwaan galiyay oo aan mushaar la siinin iyo Saraakiil dhimatay oo Mushaarkoodii aysan helin eheladii ay ka tagaeen.
Xildhibaanadaan ayaa hadalkaan ka sheegay Xili uu socday Kulanka baarlamaanka oo looga doodayay Miisaaniyada qaranka ee sanadka fooda nagu oo haya 2020-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here