Xiliga lagu dhawaaqayo Xilhdibanada Cusub ee Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ahna caasimada KMG ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa haatan ka socda dardar gelinta howlaha soo xulista Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed.
Xubnaha guddiga madaxa banaan ee soo xulista Xildhibaannada Koonfur Galbeed & Odayaasha Dhaqanka ayaa waxaay wadaan kulamadii ugu dambeeyey si Bishaan dhexdeeda liiska Xildhibaannada koonfur Galbeed loogu dhawaaqo.
Qaar kamid ah Xubnaha musharixiinta ah ee doonaya inay kamid noqdaan Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed ayaa dhankooda waxaay dadaal ugu jiraan sidii ay uga mid noqon lahaayeen Baarlamaanka Cusub,iyagoo wada kulamo kala duwan oo arimahaasi ku saabsan.
Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee farsamada iyo soo xulista Xildhibaanada Koonfur galbeed Maxamed Keeroow Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Bayhabo ayaa sheegay in liiska Xildhibaannada ay ku dhawaaqayaan inta u dhaxeysa 11-ka bishan ilaa iyo 19-ka sida ku qoran Jadwalkii horey loo soo saarey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here