Xilka hantidhowraha qaranka oo la shaaciyay inuu bannaan yahay

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay dowladda dhexe ayaa lagu sheegay inuu dhammaaday muddo xilkeedkii hantidhowraha dalka Edward Ouko sidaasi awgeedna xilkii uu yahay uu bannaan yahay.
Dadka doonaya inay jagadaasi buuxiyaan ayaa haysta ugu dambeyn 9-ka bisha sagalaad ee sannadkan oo ay codsiyo shaqo ku soo dirsan karaan.
Maalinkii isniinta ee toddobaadkan ayay ku ekeyd 8 sano oo uu mas’uulkan xilkaasi hayay.
Wargeyska dowladda ayaa lagu soo daabacay in codsiyada shaqo loo gudbin karo guddiga adeegga dadweynaha ee PSC.
Saraakiisha doonaya inay beddelaan Ouko ayaa looga baahan yahay aqoon iyo khibrad durugsan oo dhanka maareynta lacagaha dadweynaha ugu yaraan 10 sano oo ay sameynayeen arrimaha hanti dhowrka.
Dhanka kale madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ku xigeenka maareeyaha miisaaniyadda dowladda u magacaabay inuu sii hayo xilka maareeya maaliyadda maadaama sido kale uu dhamaaday muddo xileedkii Agnes Odhiambo .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here