Xilliga baarlamaanka la hor gaynayo wasiirada cusub ee Soomaaliya oo la shaaciyay

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta berri oo Sabti ah taariikhduna ay ku beegan tahay 24/10/2020 waxaa lagu wadaa inay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ku yeeshaan kulan aan caadi aheyn.
Ajandaha Kulanka Berri ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay Cod u qaadida Xukuumadda Cusub ee uu dhawaan soo Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Barnaamijka Xukuumadda.
Saacadihii la soo dhaafay waxaa qaar kamid ah Golaha wasiirada Cusub iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay yeelanayeen kulamo kala duwan, iyadoo Golaha Wasiirada Magacaaban ay codka kasloonida weeydiisanayeen Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.
19-kii Bishaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxaa uu Magacaabay golihiisa Wasiirada, kuwaasoo badankoodu ah wasiiradii Ra’isulwasaarihii xilka kaga Horeeyay Xassan Cali khayre wallow dhanka kalena ay jiraan Xubno Cusub oo wasiirada ka soo dhex muuqday iyo Xubno Xilalka lookala badalay.
Wasiirada Cusub ee Soomaaliya hadii Baarlamaanku ansixiyo waxay haystaan waqti aad u yar sidoo kalena waxaa laga sugayaa shaqo aad u badan oo ay ugu horayso qabashada Doorasho Xor ah oo waqtigeeda ku dhacday ayna bilo kooban ka dhiman yihiin,waxka qabashada arimaha amaanka,hormarinta dhaqaalaha,dhab u heshiisiinta iyo qodobo kale oo ilaa 8 gaaraya kuwaasoo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble Balan qaaday markii baarlamaanku meelmariyay inuu wax ka qaban doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here