Xilliga la go’aaminayo racfaan ay gudbiyeen barasaabyada Kiambu iyo Samburu oo la shaaciyay

Maxkamadda racfaanka ee dalka ayaa la filayaa inay 20-ka bisha laba iyo tobnaad ee sannadkan ay go’aan ka gaarto dacwad ay gudbiyeen guddoomiyaasha ismaamulada Kiambu iyo Samburu ee kala ah Ferdinand Waititu iyo Moses Lenolkulal.
Labadan mas’uul oo wajahaya eedeymo la xariira musuqmaasuqa iyo inay ku takriifaleen kheyraadka dadweynaha ayay maxkamadda sare ee dalka ka mamnuucday inay xafiisyadooda ka howlgalaan.
Hasa ahaate go’aankaasi ayay racfaan ka qaateen waxayna ku doodayaan inaan laga hor istaagi Karin u adeegidda shacabkii soo doortay.
Dhawaan ayay ahayd markii guddi ka kooban saddex gorsoorayaal oo uu hoggaaminayo Daniel Masika uu shaaca ka qaaday inuunan amar degdeg ah ka soo saari Karin racfaan loo gudbiyay.
Qareenka u doodaya barasaabka Samburu ,Paul Nyamondi ayaa xaakinada u sheegay in amarka guddoomiyaha looga mamnuucay xafiiskiisa uu yahay mid aan waafaqsaneyn dastuurka dalka u degsan.
Garyaqaanada matalaya Waititu ee kala ah Tom Ojienda iyo Nelson Havi ayaa dhankooda sheegay in markii lagu dhawaaqayay amarka maxkamadda sare aan lagu saleynin sharciga sido kalena taasi ay saameyn ku yeelatay howlaha ismaamulka Kiambu.
Barasaabka dowlad deegaanka Kiambu Mr. Ferdinand Waititu ayaa la xariiray musuqmaasuq ka dhashay qandaraasyo la bixiyay oo ku kacayay 588 milyan oo shilin halka dhigiisa Samburu Lenolkulal uu wajahayo fadeexad lagu lunsaday 84 milyan waxayna maxkamadda ku siidaysay min 15 milyan iyo 10 milyan oo damiin lacageed ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here