Xilliga lagu dhawaaqayo guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo la shaaciyay

Dowladda Soomaaliya ayaa markale ka hadashay in weli Maamul goboleedyada qaar ay soo gudbinin xubnaha ku matalaya guddiyada heer dowlad Goboleed ee doorashada iyo khilaafaadka.
Horay waxaa u jiray qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada oo gudbiyay Xubnihii ku matali lahaa Guddiyada Heer dowlad Goboleed ee doorashada iyo khilaafaadka,basle ay jiraan Maamul goboleedyo aan soo dhameystirn.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan ayaa sheegay in heshiiskii doorashada ee la gaaray uu qorshuhu ahaa in 10-ka Bisha Octoober Guddiyada la dhameystiro, hayeeshee cilad farsamo & dhisida xukuumadda Cusub ay dib u dhaceen.
Waxaa uu sheegay in Dowladda dhankeeda ay diyaar ka yihiin Xubnaha Guddiyada ,basle ay jiraan maamul goboleedyo aan soo dhameystirin, hayeeshee Bisha November la guda geli doono dhameystirka guddiyada doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here