Xisbi sheegay inuu dacwad ka gudbinaya golaha barasaabyada

Xisbiga The Green Movement Party ayaa ku hanjabay inuu tallaabo sharciyeed ka qaadaya golaha ay mideysan yihiin hoggaamiyaasha ismaamullada dalka ee CoG.
Bayaan ay soo saartay Hamisa Zaja oo ah xoghayaha guud ee xisbigan ayaa lagu sheegay inay ka soo horjeedaan go’aan uu shalay ku dhawaaqay guddoomiyaha CoG Wycliffe Oparanya.
Go’aanka ayaa ah in la joojiyo adeegyada aan aadka muhiim u ahayn ee ismaamullada sido kalena muddo labo toddobaad ah shaqaalaha la fasaxo.
Hasa ahaate Mrs. Hamisa ayaa sheegtay inaan loo qiil dayi karin in madaxda dowlad deegaanada ay Kenyaanka ka hor istaagaan xuquuq dastuuri ah.
Mr. Oparanya ayaa amarka uu soo saaray ku saleeyay in ismaamullada aynan haysan dhaqaale ay ku sii shaqeyn karaan.
Aqalka sare ayuu ku eedeyay inuu ku fashilmay ansaxinta hannaanka saddexaad ee la doonayo in dowlad deegaanada ay dakhliga ku qaybsadaan.
Guddoomiyaha CoG ayaa xusay in xarumaha caafimaad ay joojin doonaan inay qaabilaan dadka bukaan jiifka ah halka la yareynaya adeegyada caafimaad ee bukaan socodka.
Dhanka kale xoghayaha guud ee ururka kalkaaliyaasha dalka ee KNUN, Seth Panyako ayaa ka hadlay go’aanka barasaabyada wuxuuna sheegay inay Khasab tahay in Kenyaanka ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin.
Sido kale waxaa uu xusay in la doonayo in la soo dhiso guddi qaran oo qaabilsan arrimaha caafimaadka si dhakhatiirta ka cabanaya inaynan bilooyin mushaaraad helin uu si toos ah ugu soo dhaco

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here