Xisbiga ANC oo dib u celin doona qarashka diyaarad milatari oo ay Zimbabwe ku tageen

Siyaasiyiinta Xibsiga ANC ee dalka Koonfur Africa ayaa wacad ku maray inay dib celin donaan qarashaadka ku baxay diyaarad milatari oo ay ku tageen dalka Zimbabwe todobadkii aan soo dhaafnay.
Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa waxa uu diray wafdi heer sare oo dibloomaasiyiin ka kooban kana tirsan xisbigiisa ANC si ay uga wada hadlaan dhibatooyinka siyaasada iyo dhaqaalaha ee dalka dariska la ah ee Zimbabwe.
Balse wafdiga ayaa ku tagay magaalada Harare diyaarad ay dowladda leedahay, taasi oo soo jiidatay cambaarayn iyo eedayn ah inay ku takri faleen khayraadka dowlada una adeegsadeen danta xisbiga ANC.
Waxa wafdiga sido kale lagu eedeeyay inay hareer mareen xeerarka u degsan xanuunka COVID-19, maadama xaduudaha ay xiran yihiin iyaado ay taasi qayb ka tahay xakamaynta xanuunka.
Sarakiisha ayaa waxay duulimadkooda la wadaageen wasiirka gaashan dhigga Nosiviwe Mapisa-Nqakula, oo isku duba riday kulanka Zimbabwe si looga wada hadlo arrimo ku saabsan gobolka.
Koonfur Africa ayaa waxay wajaheysa saamaynta dhibaatooyinka dalka Zimbabwe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here