Xisbiga Ford-Kenya oo uu jahwareer ka dhex jiro

Siyaasiyiinta xisbiga Ford-Kenya

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Ford-Kenya oo maanta kulan yeeshay ayaa sheegay inay xilka hoggaamiyaha xisbigaas ka qaadeen senetarka ismaamulka Bungoma Moses Wetangula.
Waxay ku eedeyeen inuunan muujin habdhaqanka habboon ee laga doonaya hoggaamiyaha xisbiga gaar ahaan u hoggaansanka dastuurka.
Xilkii uu hayay ayaa waxaa si ku meel gaar ah ula wareegay xildhibaanka deegaanka Kanduyi ee ismaamulka Bungoma Wafula Wamunyinyi.
Xoghayaha guud ee xisbiga Ford- Kenya ,Esseli simiyu oo shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in sido kale xilka xoghayaha dhanka abaabulka laga qaaday Chris Mandu Mandu.
Hasa ahaate Mr. Moses Wetangula oo goor dhaweyd warbaahinta la hadlay ayaa shirka qabsoomay iyo go’aamada ka soo baxay waxba kama jiraan ku tilmaamay.
Waxaa uu xusay in siyaasiyiinta isbeedelka sameeyay aynan awood dastuuri ah u lahayn tallaabada ay ku dhaqaqeen.
Sido kale Wetangula ayaa carrabka ku dhuftay inay shirka ka qeyb galeen dad aan xisbiga xubno ka ahayn oo la isu keenay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu weli yahay hoggaamiyaha xisbiga Ford-Kenya.
Sido kale Mr. Wetangula ayaa sheegay in golaha qaran ee fulinta ee xisbiga uu xilkii xoghayaha guud ka xayuubiyay Esseli simiyu .
Senetarka Bungoma ayaa ugu dambeyn taageerayaasha xisbiga ugu baaqay in waxyaabaha dhacay aynan walaac ku beerin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here